Boqolaal Ruux Oo Muhaajiriin Afrikaan Ah Oo Laga Badbaadiyay Xeebaha Liibiya

 

18-08-2019

 

Ciidanka badda Liibiya ayaa sheegay Axada maanta ah in ay soo samatabixiyeen 355 qof oo muhaajiriin ah, kuwaasi oo isku dayay in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka si ay u gaaraan qaarada Yurub.

Afhayeenka ciidanka badda Liibiya Ayuub Kashiim ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in 57 qof oo 9 ka mid ah ay ahaayeen caruur oo saarnaa doon ka sameysan alwaax laga soo badbaadiyay meel qiyaastii 40 meyl u jirta magaalada xeebta ah ee Zuwara.

Mr Ayuub ayaa intaa raaciyay in muhaajiriintan ay u dhaseen dalalka Masar iyo Itoobiya.

Samata bixintan ayaa ku soo aadeysa maalmo uun kadib markii ciidanka Badda liibiya ay talaadadii soo badbaadiyeen 278 oo saarnaa afar doon oo ka shiraacday xeebaha bari iyo koonfureed magaalada caasimada ah ee Tripoli.

War saxafadeed ka soo baxay dowlada Liibiya ayaa dhanka kale lagu xaqiijiyay in tahriibayaashan ay u dhasheen wadamada Chad Niger Masar Benin iyo Eritrea.

Muhaajiriintan ayaa 35 ka mid ah waxay ahaayeen haween, halka 11 kale lagu sheegay caruur, waxaa sidoo kale doomahaan laga soo saaray meydka hal Ruux. – Universal TV Somali

Leave a Reply