Boqolaal askari oo markii u horeysay tababar loogu qaaday dalka Eritrea

 

15/09/2019

 

Muqdisho – Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in boqolaal askari oo loo soo tababarayo dowladda Federaalka tababar loogu qaaday dalka Eritrea oo sanadkii hore laga qaaday cunaqabateyntii uu saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Sida wararku sheegayaan ciidamada tababarka loogu qaaday Eritrea ayaa lagu sheegay inay gaarayaan illaa 500 illaa 600 oo askari, kuwaasoo ah Boolis-Milateri iyo Nabadsugid.

Warar qaar ayaa sheegaya in ciidamadan loogu tala galay ammaanka xilliga kala guurka ee dalka uu galayu doorasho, waxaana ka soo baxaya weydiimo kala duwan oo ku saabsan baahida xilligan keentay in Eritrea ciidamo tababar loogu qaado, iyadoo horay u jireen Ciidamo tababaro loogu qaaday Turkiga, Jabuuti iyo Uganda oo sanadihii u dambeeyay kumanaan askari lagu soo tababaray.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa is weydiinaya Eritrea oo horay loogu eedeeyay inay taageerto Kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya, arrintaas iyo arrimo kale darteed ku muteysatay in cunaqabateyn loogu soo rogo iyo in muddo 10 sano ay caalamka intiisa kale ugu jirtay go’doon waxa xilligan ku soo beegay in Ciidamo ay u tababarto Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Eritrea ayaa xiriir cusub oo diblomaasiyadeed leh, iyadoo bartamihii sanadkii hore uu booqasho taariikhi ah ku tagay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, halka Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu Muqdisho booqasho ku yimid bishii December ee sanadkii hore.

Is bedelka ka dhacay Gobolka Geeska Afrika ayaa sabab u noqday in Itoobiya iyo Eritrea ay heshiis ka gaaraan colaadii mudada labaatanka sano ee u dhaxeysay labada dal, waxaana caadi ku soo laabtay xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, iyagoo safaaradahooda dib uga furtay Addis Ababa iyo Asmara, waxaana tallaabadaas ay sabab u noqotay in Eritrea ay dib uga soo muuqato masraxyada caalamka, isla markaana ka baxdo go’doontii ay ku jirtay, inkastoo weli dowladda uu hoggaamiyo Isaias Afwerki ay wajaheyso eedeymo ka dhan ah bani’aadanimada. – Jowhar News

Leave a Reply