Wabley (Talaado), 10-01-2023
Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Qin Gang | Sawirre: AFP
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa Isniintii (Hobaladii) shalay aheyd shaacisay, in Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Qin Gang uu Muddo Xileedkiisa Cusub ku bilaabi doono, Booqasho Dheer oo uu ku tagi doono ilaa Shan Dal (Waddan) oo Afrika (Africa) ku yaalla.
Qin, oo horay u ahaa Safiirka Shiinaha ee Mareykanka ayaa booqan doona Itoobiya (Ethiopia), Gaaboon (Gabon), Angoola (Angola), Benin iyo Masar inta u dhexeysa 9-ka ilaa 16-ka Jannaayo. Sidaasi waxaa Warfaafinta u sheegay, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Wenbin.
Dalka Masar wuxuu Qin Gang kula kulmi doonaaa Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta iyo iyo Madaxda Xukuumadda Qahira.
Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ayaa raacay Dariiqii ay mareen Madaxdii isaga ka horreysay oo 30-ki Sano ee lasoo dhaafay uu mid walba Muudo Xileedkiisa Cusub ku billaabay Booqasho uu ku tago Afrika (Africa).
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Wang ayaa sheegay in Dhaqankaasi Siyaasadeed uu muujinayo sida uu Shiinu muhiimad weyn u siinayo Saaxibtinimada soo jireenka ah kala dhexeysa Afrika (Africa) iyo Horumarinta Xiriirka Afrika (Africa) iyo Shiinaha.
Qin, oo 56 jir ah, ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda 30-ki Bishii Desember (December). Waxa uu bedelay Wang Yi, oo 69 jir ah, kaas isna loo magacaabay Madaxa Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Shuuciga ah.
Shiinaha ayaa Afrika (Africa) kula loolamaya Mareykanka. Dhawaan madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Hogaamiyaasha Afrika (Africa) ku casuumay Washington, halkaas oo uu kaga dhawaaqay Hindisayaal iyo Iskaashi Labada Dhinac ay yeelan doonaan.
Shiinaha ayaa Sannadihi dhawaa Dalalka Afrika (Africa) u noq-noqday Saaxib Ganacsi oo weyn, isaga oo maalgeliyay Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Mashaariicda dhanka Macdanta oo uu ka fuliyay Dalal badan oo ku yaalla Qaaradda Afrika (Africa).
Isha: VOA Somali