Beelo dad iskaga Afduubtay magaalada Baladweyne

 

21-04-2019

 

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiraan waxaa ka taagan afduub ay isku geesanayaan beello wada dega gobolka Hiiraan, waxaana arrintan ay salka ku heysaa aanooyin qabiil.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in labo qof ay kala afduubteen Beelo walaalo ah oo wada dega gobolkaasi

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabelle ayaa la soo sheegayaa in ay arrintaasi ku baxeen, waxaana labada dhinac ay ka dalbadeen in ay Xiisadda dajiyaan.

Hayeeshee Wali beellahii waa ay kala heestaan dadkii ay ku kula afduubteen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiraan. – Baidoa News

Leave a Reply