Baarlamaanka Puntland Oo Shir Xasaasi Ah Yeelanaya Iyo Go’aan Ka Soo Bixi Doona…

 

29-06-2020

 

Garoowe – Maamulka Puntland ayaa la filayaa in maanta uu go’aan ka qaato dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xilli siyaasadda Soomaaliya ay mareyso marxalad xasaasi ah oo muddo xileedka dowladda Federaalka ay gabogabo tahay.

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo isniin ah yeelanaya kulan aan caadi aheyn, iyadoo xildhibaannada xalay loo diray farriimo qoraal lagu wargelinayo inay kulanka soo xaadiraan.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka Baarlamaanka Puntland laga soo saari doono go’aan ka dhan ah ansixintii matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, kaasoo maalin ka hor uu ansixiyay Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.

Arrinta ku saabsan Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ayaa waxaa maalin ka hor ka soo horjeeday Xildhibaannada ka tirsan Baarlamaanka oo u badan kuwa ka soo jeeda Puntland, kuwaasoo saxiixay qoraal ay kaga soo horjeedaan, kuna tilmaamayaan mid sharci darro ah

Baarlamaanka Puntland ayaa la filayaa inuu soo saaro go’aan xiriirka loogu jarayo dowladda Federaalka, laguna qaadacayo ka qeyb galka hannaanka doorashada Federaalka, oo ay horay Puntland sheegtay inay ka soo horjeedo dhammaan xeerarka doorasho. – Jowhar News

Leave a Reply