Baarlamaanka Puntland Oo Go’aan Kasoo Saaray Metelaadda GB Iyo Doorashada

 

29-06-2020

 

Garoowe – Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa Maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, iyagoo uga dooday Ajendaal dhowr ah.

Kulanka Xildhibaanada ayaa Ajendayaasha ugu waaweyn ee looga dooday waxaa uu ahaa ansixinta Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare iyo Arrimaha Doorashooyinka dalka ee 2020/2021.

Intaas kadib Xildhibaanada Puntland ayaa Go’aano kasoo saaray xeerkii Metelaadda Gobolka ee Golaha Aqalka Sare looga siiyay 13-xubnood, waxaana kulankodo goobjoog ka ahaa 41 Xildhibaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in aysan aqbaleyn Go’aanka kuraasta loogu kordhiyay Gobolka Banaadi, iyagoo arrintaas ku tilmaamay sharci darro.

Sidoo kale Xildhibaanada Puntlan ayaa xusay in Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay ku fashilmeen xilkii iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa, iyagoona tilmaamay in Guddiga uu hab sharci darro ah muddo kordhin ugu sameeyay Madaxwenaha iyo labada Golle ee dowladda Federaalka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Baarlamaanka Puntland.

 

  

 

– Shaaciye News

 

Leave a Reply