Axmed Madoobe oo ilaalo gaara wata oo Muqdisho ka soo degay

 

25-03-2019

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa soo gaaray Magalada Muqdisho, iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Axmed Madoobe oo kasoo kicitimay Magalada Kismaayo ayaa waxaa uu wataa ilaalo gaar ah,waxaana Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Wasiiro ay ka mid yihiin Arrimaha Gudaha,Amniga iyo xildhibaano ka tirsan labada Aqal.

Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay in uu imaanayo Magalada Muqdisho, kadib markii xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland markii uu Kismaayo tegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa Magalada Muqdisho waxa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo dhameystiro xalinta mad madowgii soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Jubbaland. – Baidoa News

Leave a Reply