Askari Katirsan Ciidanka Dowladda Oo Qof Shacab Ah Ku Dilay Dhuusamareeb

 

30-06-2020

 

Dhuusamareeb – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in askari katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya uu qof Shacab ah ku dilay gudaha Magaalada Dhuusamareeb.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Waabari ee Caasimadda Galmudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu ka tirsan Ciidanka Booliska ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb.

Dilka ayaa yimid kadib markii muran soo kala dhexgalay askariga iyo qofka shacabka ah ee la dilay.

Ciidanka Ammaanka ayaa ku howlan soo qabashada askariga dilka geystay oo la sheegay in uu goobta ka baxsaday. – Radio Risaala

Leave a Reply