Askar Qarax Ku Soo Dhaawacantay Oo La Keenay Magaalada Muqdisho

 

29-05-2020

 

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in 8 askari oo shalay ku dhaawacantay qarax miino oo lagula eegtay Duleedka Degmada Awdheegle loo soo gudbiyey Magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabdi-Ladiif oo ah sarkaalka u hadlay Milatariga Soomaaliya, islamarkaana wareysi siiyey Warbaahinta Shabelle ayaa tilmaamay in qaraxa ciidamadaasi lagula bartilmaameedsaday deegaanka Aw-Faarax, xilli ay saad u soo wadeen ciidamada jooga Saldhigga Awdheegle.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in qaraxaasi oo ay sheegatay Al-Shabaab ay ku naf-waayeen illaa shan askari oo ka tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. – Radio Shabelle

Leave a Reply