Argagixisada Al-Shabaab Ayaa Laga Xiray 250 Koonto Iyo 70 Telefoon Oo Ay Argagixisada U Adeegsan Jirtay Lacagaha Ay Dadka Ka Baadaan

 

Cadceeda (Axad), 15-01-2023

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – War kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xirtay 250 Koonto iyo 70 Telefoon oo ay Argagixisada Al-Shabaab u adeegsan jireen Lacagaha ay Dadka xoog uga qaadaan.

Warka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa sheegay Wasiir Ku- xigeenka Wasaarada Warfaafinta ee Dowladda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala.

Wasiir Ku- xigeenka Wasaarada Warfaafinta ee Dowladda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala wuxuu kaloo sheegay in Hay’adaha Dowladda Soomaaliya iyo Dad u dhasay Dalka Soomaaliya oo Lacago Baad ah laga qaadi jiray, in ay isla wadaageen Xogaha Koontooyinka iyo Telefoonada ay adeegsadaan Argagixisada Al-Shabaab.

Ugu dambeynti waxey Dowladda Soomaaliya sheegtay, in Cunaqabataynta Dhaqaale ee la saaray Argagixisada Al-Shabaab ay Kaalin Weyn ka qaadatay hoosu dhaca Weeraradii Argagixisada Al-Shabaab.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).