Arday Lagu Dhaawaacay Magaalada Beledweyne

 

14-05-2019

 

Inta la xaqiijiyey labo arday ayaa dhaawacantay kadib markii arday ka Careysan hadalkii xalay kasoo baxay wasiirka wasaarada waxbarashada Dowlada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare ay buux dhaafiyeen Hoteel ay magaalada Baladweyne ka deganaayeen kormeerayaal ka socday wasaarada waxbarashada.

Dhaawaca ardadan ayaa yimid kadib markii ciidamo ku sugnaa hoteelka ay rasaas ku fureen ardada, waxaana ardada la dhawaacay ay kala dhiganayeen Iskuulada Shiikh Maxamed Macalin iyo Sigma.

Isbitalka magaalada Baladweyne ayaa la dhigay dhawaca ardadan sida uu inoo xaqiijiyey Cabdi Naasir Cabdullaahi Muxumed oo kamid ah Macalimiinta Baladweyne. – Hiiraan Net

Leave a Reply