Aqalka Hoose Oo Todobaadkan U Codeynaya Xil Ka Xayuubinta Trump

 

16/12/2019

 

Aqalka Wakiilada oo dhameystiran ayaa la filayaa in ay todobaadkan u codeeyaan laba qodob oo ah dacwadda xil ka qaadista madaxweyne Trump, taasi oo uu guddi hoosaadka caddaaladda ee Congress-ku uu todobaadkii hore soo gudbiyey.

Madaxweyne Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii sedexaad ee lagu soo oogo dacwad isagoo xafiiska haya. Dimoqraadiyiinta ayaa ku eedeeyey inuu si qaldan awooddiisii madaxweynenimada u isticmaaley isagoo weydiistey Ukraine in ay baarto ninka hormuudka u ah musharrixiinta dimoqraadiga ah. Trump iyo taageerayaashiisa ayaa ku adkeystay in uusan madaxweynuhu wax qalad ah sameynin.

Wariyaha VOA Arash Arabasadi ayaa warbixintan inoo diyaariyey, Falastiin Axmed Iman ayaana soo jeedineysa.

DHAGEYSO Warbixin dacwadda xilka qaadista

– VOA Somali

Leave a Reply