Al Shabaab oo sheegtay in si dirqi ah uga badbaaday weerar ay ku dili rabeen C/llaahi Shariif

 

03-06-2020

 

Buurdhuubo – Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo, weerarkan ayaana Al Shabaab ku doonayeen in ay ku dilaan gudoomiyaha degmadaasi.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkooda ku beegsadeen xarunta maamulka degmada Buurdhoobo , waxa ayna Al Shabaab xuseen in weerarkaasi si dirqi ah uga badbaaday gudoomiyihii degmadaasi C/llaahi Shariif .

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in gudoomiyaha degmada Buurdhuubo iyo xubno la socday weerarka markii lagu soo qaaday ay u baxsadeen xero ay degmadaasi kaga sugnaayeen ciidamada Itoobiya.

Maamulka Degmada Buurdhuubo ayaan wali ka hadlin weerarkan xalay ka dhacay degmadaasi iyo khasaaraha ka dhashay, lamana oga ilaa hada khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac. – All Banaadir News

Leave a Reply