Al-Shabaab oo sheegatay in Ciidamo Kenyan ah ku qarxiyeen Gobolka Waqooyi Bari

 

13-06-2019

 

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Kolonyo ay la socdeen Ciidamo Kenyan ah ay qarax kula eegteen deegaan ku dhow magaalada Gaarisa ee Gobolka ee Waqooyi Bari Kenya.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa lala eegtay mid kamid ah Gaadiidkii ay wateen Ciidamada, kaasoo sida la soo sheegayo uu bur bur xooggan soo gaaray.

Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Saddex goosa iyo Amuuma oo u dhow Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari, halkaasoo khasaare xooggan ay ku gaarsiiyeen Ciidamadii Kenya.

Laamaha ammaanka dalka Kenya ayaan wali ka hadal waxa ka jira sheegashada Al-Shabaab, iyadoo Ciidamo dheeraad ah la geeyay deegaanka weerarka uu ka dhacay, iyagoo halkaasi ka wada howlgallo lagu baadi goobayo Kooxdii Miinada wadada ku aastay.

Weerararkan ayaa ku soo aadaya xili dowladda Kenya ay xirtay Xadka Lamu, Saraakiishoodana ay todobaadkan bilowgiisa soo saareen digniin la xiriirta weeraro Shabaab ay ka geysanayaan gobolka Waqooyi Bari Kenya. – Jowhar News

Leave a Reply