Al-shabaab miino kula qaraxday deegaanka Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

17-06-2019

 

Bariire – Wararka laga hellayo deegaanka Bariirre ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in labo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku dhinteen kadib markii ay ku qaraxday miino ay dhigayeen.

Goobjoogaal ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkayeen laba nin oo meyd ah oo taal wadada ay maraan gaadiidka ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.
Qaraxa miinadan ayaa yimid kadib markii uu maanta dagaal ku dhex maray deegaan ku dhow Bariirre ciidamada dowlada iyo dagaalamayaal Alshabaab ka tirsan.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa ay hore ugu aaseen wadooyinka muhiimka ah ee gobolka Sh/hoose iyadoo ciidamada dowlada ay howlgalo ka sameeyeen deegaanadaas. – Hiiraan Online News

Leave a Reply