4 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Gaari Oo Ka Dhacay Bartamaha Magaalada Muqdisho

 

26-03-2019

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax lagu soo xiray gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Jugta Qaraxa oo qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho laga maqlay ayaa wuxuu ahaa mid miinada nuuca gawaarida lagu xiro.

Qaraxa ayaa ka dhacay Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay inta la xaqiijiyay afar ruux.

Gawaari kale oo yaallay goobta uu gaariga ku qarxay ayaa burbur kasoo gaaray qaraxaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa goordhow gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo wadada xiray. – Shaaciye News

Leave a Reply