Muwaaddin ka yimid Shiinaha oo lagu hayo garroonka Muqdisho

 

10/03/2020

 


Garoonka Muqdisho waxaa maamula shirkadda Favori (Sawir hore)

 

Wasaaradda caafimaadka ee dowladda fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay hayaan muwaaddin Soomaaliyeed oo ka soo safray dalka Shiinaha, kaas oo diyaaradda Ethiopian Airlines ay maanta Muqdisho geysay, isagoo soo maray dalka Itoobiya.

War ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegey in muwaaddinkaasi oo aan magaciisa la carab dhabin baaritaanno ay ku hayaan hadda, islamarkaasina lagu hayo goob gaar ah.

War saxaafadeedka ayaa lagi yiri, “Wasaaraddu waxay ka codsatay hay’adaha ay khuseyso inay la xisaabtaam tallaabada habboonna ka qaadaan diyaaradaha jabiya tilmaamaha ay dowladda Soomaaliya bixisay ee la xiriira caafimadka isu-gooshka”.

Inkasto oo aan la xaqiijin in muwaaddinkaasi uu qabo cudurka Corona Virus (COVID19), ayaa haddana, wasaaradda caafimaadka waxay sheegtay in wixii ku soo kordha ay bulshada la wadaagi doonto. – VOA Somali

Leave a Reply