Guddoomiyaha Degmada Warshiikh Wuxuu Beeniyay Wararkii Lagu Faafinayay Baraha Bulshada

 

Fabeeley (Khamiis), 24 Nofeember (November), 2022

 

WARSHIIKH (WBW: The GBM) – Degmada Warshiikh oo katrisanaan jirtay Gobolkii Banaadir ee ka koobmay Shabeellaha Hoose, Muqdisho iyo Shabeellaha Dhexe kahor intii uusan Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre uusan kala gooynin Gobolkii Banaadir (Shabeellaha Hoose, Muqdisho iyo Shabeellaha Dhexe) Sanadka markuu ahaa 1972dii, kadibna Madaxweynaha Iminka ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu isna Gobolkii Banaadir uu kusii kaladaryay Waxa Loogu Magacdaray ‘Koofur + Galbeed iyo ‘Hir + Shabeelle’ Sanadihii 2014tii iyo 2016dii, ayaa laga soo sheegayaa in Guddoomiyaha Degmada Warshiikh Xasan Maxamed Axmed (Darafey) uu beeniyay Warar Maalmihii lasoo dhaafay lagu faafinayay Baraha Bulshada.

Wararka uu Guddoomiyaha Degmada Warshiikh Xasan Maxamed Axmed (Darafey) uu beeniyay, ayaa waxey ahaayeen in la dhacay Dad socdaalayay oo Baabuur saarnaa; isla markaana lagu dhacay Duleedka Degmada Warshiikh iyo Agagaarkeedaba.

Guddoomiye Xasan Darafey wuxuu Warkiisa kusoo gebagabeeyay, in Waxba Aysan Ka Jirin Wararka Lagu Faafiyay Baraha Bulshada ee sheegayay in Duleedka Degmada Warshiikh iyo Agagaarkeedaba dhac loogu geystay Dad Socdaal ahaa oo Baabuur saarnaay.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).