Ciidamada Dowladda oo Howlgal Qorsheysnaa Ku Dilay 49 Xubnood Oo Katirsan Argagixisada Al-Shabaab

 

Dusa (Arbaco), 23 Nofeember (November), 2022

 

MUDISHO – 49 Xubnood oo katirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in la dilay, Tiro kalana lagu dhaawacay Howlgal Qorsheysnaa iyo Duqeymo ay Ciidanka Gaarka Ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ay ka fuliyeen Deegaanka Buulo Madiino oo tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameedsan, ayaa wuxuu u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana lagu burburiyay Dhammaan Gaadiidkii Dagaal iyo Saanaddii Hubka ay Deegaankan ku haysteen Khawaarijta Al-Shabaab.

Khawaarijta Al-Shabaab ee lagu laayay Deegaanka Buulo Madiino, ayaa waxey isku diyaarinayeen Dhagaro ay ku dhibaateynayaan Dadka Soomaalida. Hase ahaatee, waxaa fashiliyay oo Dhabarka ka jabiyay Ciidanka Sirdoonka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxey u mahad celisay Dhammaan Dadkii Soomaalida ee Maanta Qeybta ka ahaa Dagaalki Dalka oo dhan looga xoreynayay Khawaarijta Al-Shabaab isla markaana ay Garab istaagnaayeen Ciidanka Qalabka Sida ee Dalka Soomaaliya.

Halkan hoose waxaa yaalo War Saxaafadeedki kaso baxay Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska;

Isha Warkan: Wakaalada Wararka ee SONNA