Waxaa Xalay La Dilay Murashax Kamid Ahaa Murashaxiintii U Tartantay Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

Wabley (Talaado), 22 Nofeember (November), 2022

 

MUDISHO (WBW: The GBM) – Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho oo isla markaana sii aheed Xaruntii Gobolkii Banaadir ee ka koobmay Shabeellaha Hoose, Muqdisho iyo Shabeellaha kahor intii uusan kala jar-jarin Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre Sanadka markuu ahaa 1972dii uunana Madaxweynaha Iminka ee Xasan Shiikh Maxamuud uusan isna sii raacin Gobolkii Shabeellaha Hoose iyo Gobolkii Shabeellaha Dhexe waxa Hada Loogu kala Magacdaray ‘Koofur + Galbeed’ iyo ‘Hir+Shabeelle’ Sanadihii 2014tii iyo 2016dii; ayaa lagu soo warinayaa in Xalay ay Kooxo Bistoolado ku hubeysnaa ay ku dileen Marxuum Maxamed Xuseyn Sabriye (Guuleyste) oo ahaa Murashixii u tartamay Kursiga Hop#33 ee uuna kusoo baxay Xildhibaan Yuusuf Kabaale.

Warka wuxuu ku darayaa in Ciidanka Booliska Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ee Gobolkii Banaadir ay gaaren Goobta uu Dilka ka dhacay asiise aysan qaban Kooxohii Bistooladaha ku hubeysnaa ee dilay Marxuum Maxamed Xuseyn Sebriye (Guuleyste).

Ugu dambeysti, Qaraabada Marxuum Maxamed Xuseyn Sabriye (Guuleyste) oo Xalay gaartay Goobta lagu dilay Marxuum Maxamed Xuseyn Sabriye (Guuleyste) , ayaa waxey ka qaateen Meydkiisa.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).