Hanti Dhowraha Qaranka Wuxuu Sheegay In Malaayiin Doolar Oo Deyn Lagu Qaatay, Aanan La Ogeyn Meesha Ay Ku Dambeeyeen

 

Wabley (Talaado), 22 Nofeember (November), 2022

 

MUQDISHO – Hanti Dhowraha Guud ee Dowladda Soomaaliya wuxuu Maanta soo saaray Warbixin Sanadle ah oo kusaabsan Daahfurnaanta iyo Isla-xisaabtanka Maaliyadeed ee Hay’addaha Dowladda.

Warbixinta oo ku salaysan Sanadkii Hore ee 2021, ayaa lagu sheegay in qaar kamid ah Hay’adaha Dowladda oo Magacyadooda lagu xusay Warbixinta in ay fuliyeen Mashaariic Malaayiin Doolar lagu bixiyay oo aan sidii loo baahnaa loo fulin.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Heshiis Deyn ah oo ku kacay $96 Milyuun oo Doolar oo laga qaatay Hay’adda IMF iyo Bankiga Dhexe ee Dalka, aan la Caddayn Deyntaasi. Hantidhowruhu wuxuu sheegay in Deyntaas uusan Barlamaanka Meelmarin, isagana aan lagu soo Wargalin.

Sidoo kale $16 Milyuun oo la siiyay Maamulka Gobolka Banaadir, Rugta Ganacsiga iyo Bangiga Horumarinta, ayuu Hanti Dhowruhu sheegay in aan loo marin Habraaca Sharciga Maaliyadda Dalka.

Hanti Dhowraha Qaranku wuxuu ku eedeeyay Hay’adaha Dowladda In Aysan Lahayn Qorshaha Iibka Qaranka ee Sanadlaha.

Wuxuu sheegay in ay jiraan Lacago Lagu Shubay Koontooyin Ka baxsan Bangiga Dhexe ee Dowladda iyo Deeqo Lacageed oo laga helay Dibadda oo aan lagu darin Miisaaniyadda Dowladda.

Wuxuu sheegay in Dhaqaale ka badan Hal Milyan oo Wasaaradda Caafimaadku loo siiyay inay ku qabato Howlaha Covid-19 aan loo fulin sidii laga filyay.

Wuxuu sheegay Arrimahan oo idil iyo qaar kale oo ku xusan Warbixinta uu soo saaray inay Sabab u noqdeen in uusan wax ka saxiixin Xisaab Xirka Maaliyadeed ee Sanadkii tagay ee 2021.

Xigasho: Hiran Online