Wasiirka Gaashaandhigga Keenya (Kenya) : Ciidamada Keenya Waxay Sii Joogi Doonaan Soomaaliya Tan Iyo Inta Nabadda Laga Soo Celinayo

 

Hobala (Isniin), 21 Nofeember (November), 2022

 

NAYROOBI (NAIROBI) – Ciidamada Keenya ee ku hoos shaqeeya Howlgalka Kumeel Gaarka (KMG) ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sii joogi doona Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Keenya.

Wasiirka Gaashaandhigga Keenya Aadan Barre Ducaale oo Wareysi siiyay Wargeyska Nation Africa, ayaa sheegay in Joogitaanka Ciidamada Keenya ay Gacan ka geysanayaan sidii loo tayayn lahaa Ciidamada Soomaaliya.

Ducaale ayaa ballan qaaday in Dowladiisa ay ku garab istaagi doonto Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dadka Soomaaliya sidii Dalkooda ay Nabad ugu soo dabaali lahaayeen.

In ka badan 4,000 Askari ayaa Keenya ka joogtoa Soomaaliya, iyagoo ku sugan Deegaannada Dowlad Goboleedka Jubaland ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Keenya, Uhuru Kenyatta ayaa horey u sheegay in Tirada Ciidamada Keenya ee ku sugan Soomaaliya la dhimayo, si ay Qeyb uga noqdaan Qorshaha Kala Guurka Howlgalka ATMIS.

Xigasho: Hiran Online News