Kulan Ay Mudisho Ku Yeesheen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Iyo Madaxda Samafalka Qatar (Qatar Charity) Ee Soomaaliya

 

Hobala (Isniin), 21 Nofeember (November), 2022

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho, Yuusuf Xuseyn Jimcaale ayaa lasoo sheegayaa in Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho uu kula kulmay Madaxa Hay’adda Samafalka Qatar (Qatar Charity) ee Soomaaliya, Cabdulfataax Aadam Macalim oo ay wehlinayaan Madaxa Qeybta Daryeelka Bulshada ee Qatar (Qatar Charity), Xaamud Maxamed, iyo Isku-duwaha Dowladdaha Qatar iyo Soomaaliya, Abuubakar

Warka wuxuu ku darayaa in Labada dhinacba ay ka wada-hadleen Dardargelinta Howlaha lagama maar-maanka u ah Bulshada Soomaalida, gaar ahaan Howlaha ay Hay’adda Samafalka Qatar (Qatar Charity) ay ka fuliso Gobolka Banaadir; iyo Fulinta Mashaariic Horumareed oo ay Dowladda Qatar ka fulin doonto Gobolka Banaadir.

Mashaariicdaa oo ay Dowladda Qatar ka fulin doonto Gobolka Banaadir ayaa waxey kamid Gargaarida Agoonta, Xarumaha Caafimaadka, Xarumaha Waxbarashada, iyo guud ahaan Gargaarada Aadminimo.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).