Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Ayaa Gaaray Xarunta Gobolka Hiiraan Ee Magaalada Belad Weyne

 

Cadceeda (Axad), 20 Nofeember (November), 2022

 

BELAD WEYNE (WBW: The GBM) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ergo uu hogaaminayay oo Boqasho kusoo maray Gobolada Mudug iyo Gal-Gaduud, ayaa wuxuu Maanta soo gaaray Magaalo Madaxda Gobolka Hiiraan ee Belad Weyne.

Madaxweynaha iyo Ergadii uu horkacayay ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ee Ugaas Khaliif ee Magaalada Belad Weyne, waxaana ku soodhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Cali Cabdullaahi Xuseyn (Cali Guudlaawe), Ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), iyo Xubno katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.

Ujeedada Booqashada ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxey tahay Indho-indheen la Xiriirto Howlgallada ka socdo Gobolka Hiiraan ee Argagixisada Al-Shabaab looga saarayo Gobolka Hiiraan.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).