Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Baa Gaaray Degmada Baxdo Ee Gobolka Gal-Gaduud

 

Diimiley (Sabti), 19 Nofeember (November), 2022

 

BAXDO (WBW: The GBM) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud Ayaa lasoo warinayaaa in uu gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Gal-Gaduud, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Wasiirro iyo Xildhibaanno katirsan Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Madaxweynaha waxaa kaloo soo dhaweeyay Dadka Deegaanka.

Warka wuxuu ku darayaa in Ujeedada Sodaalka ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ee Degmada Baxdo, iney tahay Kormeerista Howlgallada ka socdo Degmada Baxdo isla markaana looga tirtirayo Argagixisada Al-Shabaab ee ku sugan Degmada Baxdo ee Gobolka Gal-Gaduud.

Ugu dambeysti, wuxuu Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu Boqolaal Qofood oo kamid ah Dadka Degmada Baxdo uu kula hadlay Fagaaraha Masaajidka Al-Nuur oo ah Saldhigga Halganka, wuxuuna Dadka uu la hadlay uu ku bogaadiyay sida ay Gaashaanka ugu dhigeen Argagixisada Al-Shabaab.

“Dadka Reer Baxdo, Waqti Munaasib ah ayey qaateen Go’aan Dhaxalgal ah, kaasi oo horseeday in Maanta ay Si Nabad iyo Xorriyad ah ugu noolaadaan Deegaankooda, iyaga oo aan Cabsi Ka Qabin Amarada Al-Shabaab isla markaana difaacday Naftooda, Maalkooda, Sharafkooda iyo Diintooda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).