Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe Ayaa Laynaya Dadka Dhulkooda Uu Xoogga Ku Haaysto

 

Diimiley (Sabti), 19 Nofeember (November), 2022

 

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) waxaa Kursiga ku ilaaliya Keenya (Kenya) oo u qabatay Kismaayo 2012dii, waxaana uu siiyaa Madaxda Nayroobi (Nairobi) joogta Lacag, si isaga u taageeraan.

KISMAAYO – Kismaayo wali waxaa lagu daadinayaa Dhigga Dadkii Degaanka loogu yimid ee Axmed Madoobe iyo Maleeshiyadiisa Raaskambooni ay ku dul-habsadeen Gugii 2012dii.

Waxaa Magaaladda ka dhacay 10kii Sano ee lasoo dhaafay Dilal, Kufsi, Dhac iyo Barakin lagu sameynayay Dadka aan kasoo jeedaan Beesha Axmed Madoobe ee Ogaadeen oo Itoobiya degta.

Dilalka ayaa Xadka Dhaafey, taasoo keentay in Ganacsato iyo Odayaal badan ay kasoo cararaan Kismaayo, iyagoo Naftooda kala baxsanaya Axmed Madoobe oo Isir-sifeyn sameynaya.

Maalmihii ugu dambeeyay wuxuu Axmed Madoobe uu Tiirka geeyay Askar oo lagu eedeeyay Dilal, kuwaasoo markii la baarey ee la ogaaday, inay kasoo jeedaan Beelo laga tiro badan yahay.

Waxaa Maanta la toogtay Wayrax Khaliif Yuusuf iyo Yuusuf Xuseyn Cabdi, iyadoo Labo Maalin kahor sidan oo kale Labo kale oo uu ku jiray Oday Waayeel ah lagu dilay Magaaladda Kismaayo.

Axmed Madoobe, isaga dembiyada uu geystay oo Ciida ka badan ma jirto Cid kula xisaabtamaysa Adduunka, waxaana Dadka Kismaayo noqdeen kuwa isaga Afka qabtay oo aad uga baqa.

Sanadihii dambe, waxaa aad Kismaayo ugu soo badanayay Dadka ku Qabiilka ah Axmed Madoobe oo deegaamayn loo sameynayo, iyagoo ka kala yimid Keenya (Kenya) iyo Itoobiya (Ethiopia).

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) waxaa Kursiga ku ilaaliya Keenya (Kenya) oo u qabatay Kismaayo 2012dii, waxaana uu siiyaa Madaxda Nayroobi (Nairobi) joogta Lacag, si isaga u taageeraan.

Labo Bil kahor, markii la doortay Madaxweynaha Keenya (Kenya), Wilyam Ruuto (William Ruto), wuxuu Axmed Madoobe geeyay Nayroobi (Nairobi) dhowr Milyan (Millions) oo Doolar (Dollar) oo Madaxweynaha Cusub ee Keenya (Kenya) isku soo barayay, Lacagtaas oo kamid ahayd 4 Milyan oo Doolar oo Dowladda Federaalka ka siisay 100kii Milyan oo Bangiga Adduunka siiyay Soomaaliya oo Madaxda Dowlad Goboleedyada; Qofka Qeybtiisa Jeebka ku shubtay.

Isha Warkan: Keyd Media Online