Eriteeriya (Eritrea): Tababarka Ciidamada Soomaaliya Waa In Uu Ahaado Mid Aan Muran Ka Dhalanin

 

Diimiley (Sabti), 19 Nofeember (November), 2022

 

ASMARA – Dowladda Eriteeriya (Eritrea) ayaa si adag u eedeysay Dalalka Reer Galbeedka inay Tashuush iyo Marin- habaabin ku fureen Xiriirka Iskaashi ee dhexmaraya Dowladaha Soomaaliya iyo Eriteeriya.

Bayaan Dheer oo lagu daabacay Bogga Internetka ee Wakaaladda Wararka ee Eriteeriya, ayaa lagu sheegay in Reer Galbeedku faafiyeen Sheegashooyin Been Abuur ah oo aan Sal iyo Raad toona lahayn oo ku saabsan Iskaashiga ka dhexeeya Laba Dowladood ee Madaxa-bannaan.

“Isku xidhnaanta sii kordheysa ee Labada Dal, gaar ahaan dhanka Difaaca iyo Amniga, waxa ay dhalisey Guux Weyn oo Diidmo ah oo ka imaanaya tiro Dalal Reer Galbeed ah. Waana Munaafaqnimo Weyn oo ku qotonta isla weyni,” ayaa lagu yiri Warbixin Dheer oo lagu daabacay Shabait.

DowladdaEriteeriya waxay sheegtay in Bartilmaameedka gaarka ah uu yahay Iskaashiga Amniga ee sii kordhaya ee Labada Dal. Xilli Dalkaasi uu noqday Dalkii ugu horreeyay ee kumanaan Askari u tababara Soomaaliya, tan iyo Burburkii kadib.

Dowladda Eriteeriya waxay sheegtay Tababarka Ciidamada Soomaaliya, oo loo qabtay Iskaashiga Labada Dal, laguna fuliyay Rabitaanka iyo Codsiga Dowladda Soomaaliya, in uu ahaado mid aan muran ka dhalan.

“ Wadashaqeynta joogtada ah ee Labada Dal ayaa dhab ahaantii ku qotonta Taariikh Dheer oo wadajir ah, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay Koox Yar oo Jilayaal ah oo taageero u fidiyay Eriteeriya Halgankii Dheeraa ee Xorriyadda. Labada Dalba waxay garwaaqsan yihiin in Dagaalka Argagixisada Soomaaliya uu yahay Xasilloonida, iyo Amniga Guud ahaan Gobolka Geeska Afrika oo dhan ,” ayay tidhi Dowladda Eriteeriya.

Eriteeriya waxay sheegtay Faragelinta Dibadda ee Soomaaliya lagu sameeyay inay dhashay Natiijooyin Xun oo keliya, waxayna tilmaamtay kaliya Hannaan Gudaha lagu go’aamiyay inuu Waxtar u yeelan karo Soomaaliya. Halkii Dibedda laga hagajin lahaa oo loo jihayn lahaa.

Warkan kasoo baxay Dowladda Eriteeriya ayaa lagu soo aadiyay Dhowr Cishe Kadib markii uu Dalkaasi Booqasho ku tagay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, si uu u kormeero Kumanaanka Askari ee Dalkaas lagu tababaray.

Booqashada Madaxweyne Xasan Shiikh uu ku tagay Dalkaas, wax Natiijo ah oo ku saabsan Soocelinta Ciidamada Soomaaliya kama soo bixin.

Waxaa jirtay Warar horey Warbaahinta u qortay oo ku saabsanaa in Dowladda Eriteeriya ay Arrimo Dhaqaale Awgeed ay u haysato Ciidamada Soomaali ee lagu tababaray Dalka Eriteeriya.

Xigasho: Hiran Online