Kulan Ay Yeesheena Danjiraha Soomaaliya Ee Keenya Iyo Danjiraha Mareykanka Ee Soomaaliya

 

Dusa (Jimca), 18 Nofeember (November), 2022

 

NAYROOBI (NAIROBI) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nayroobi (Nairobi) ee Dalka Keenya (Kenya), Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa wuxuu Kulan la yeeshay Danjiraha Mareykanka (United States Of America) ee Dalka Soomaaliya (Somalia), Danjire Laari Andre’ (Larry André).

Kulankooda ayaa la sheegay iney kaga wada-hadleen Iskaashiga Labada Dowladood iyo Xoojinta Dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Argagixisada.

Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa wuxuu Danjire Laari Andre’ (Larry André) uu uga mahadceliyay Garab-istaagga Dowladda Mareykanka ay garabistaagtay Dadka Soomaalida iyo Dowladda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa wuxuu Dalka Soomaaliya uu ka taageeraa Tababarada Ciidamada, Amniga iyo Dagaalka ay Dowladda Soomaaliya ay kula jirto Maleeshiyada Al-Shabaab.

Mareykanka waa Dalka ugu horreeyo ee Duqaymaha Dhanka Cirka ah ku bartilmaameedsada Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Horjoogayaashooda.

Isha Warkan: Universal TV Somali