Wada-hadalo Ay Yeesheen Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya Iyo Venezuela

 

Diimiley (Sabti), 15-01-2022

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa lasoo sheegayaa in uu Telefoonka uu kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Venezuela Felix Plasencia, waxeyna ka wada-hadleen Iskaashiga iyo sidii loo xoojin lahaa Xiriirka Labada Dal ee Soomaaliya iyo Venezuela.

Warka wuxuu ku darayaa in Labada Wasiir ay Wada-hadalkooda ay Diirada ku saareen sidii ay Labada Dalba u yeelan lahaayeen Iskaashi Dheef-wadaag ah oo taabanaya Dhinacyada Dhaqaalaha, Maalgashiga, Diblomaasiyadda iyo Ganacsiga.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali Soomaaliya ayaa wuxuu Dhiggiisa Venezuela uu la wadaagyay Fursadaha Dhaqaale iyo Maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo sida ay uga go’antahay in ay Labada Dowladood yeeshaan Xiriir qotadheer oo ku qotoma Danaha Labada Dad ee Soomaaliya iyo Danaha Labada Qaran ee Soomaaliya iyo Venezuela.

Isha Warkan: Radio Muqdisho