Howlgalo Ka Dhan Ah Al-Shabaab Ayaa Waxaa Laga Fuliyay Degaano Katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

 

Dusa (Jimca), 14-01-2022

 

JANAALE (WBW: The GBM) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Ururka 84aad, Guutadiisa 14ta ka Oktoobar ayaa lasoo warinayaa in Saacadihii lasoo dhaafay ay fuliyeen Howlgalo ka dhan ahaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxeyna Howlgalada ka sameeyeen Tuullooyinka Uraay iyo Degwiriiri oo hoostago Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo katirsanaa Gobolkii Banaadir ee ka koobmay Shabeellaha Hoose, Muqdisho iyo Shabeellaha Dhexe intii uusan Keltaiyehii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre uu Gobolka Banaadir u kala qeybin Seddex Qeybood Sanadka markuu ahaa 1972dii isla markaana uu Gobolkii Banaadir uga sii daryay Xasan Shiikh Maxamuud Garguurte kadib markii uu Gobolkii Banaadir uu kusii kala daryay waxa hada loogu yeero ‘Koofur-Galbeed’ iyo ‘Hir-Shabeelle’.

Warka wuxuu ku darayaa in Taliyaha Ururuka 84aad, Gaashaanle Cabdullaahi Maxamed Nuur (Dool) in uu la hadlay Warbaahinta, kadibna uu u sheegay in Howlgalada lagu burburiyey Fariisimo ay Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku lahaayeen Deegaanada Howlgalada laga sameeyay.

Ugu dambeynti, Gaashaanle Dool waxaa uu sheegay in Goobaha la burburbiriyay in ay haayeen Goobo Lacago looga qaadi jiray Dadka Rayidka ah

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).