Guddoomiye Cusub Ayaa Loo Magacaabay Gobolka Bari Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

Dusa (Jimca), 14-01-2022

 

GAROOWE – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ee Jamhuurhuuriiyadda Soomaaliya Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu Guddoomiye Cusub uu u magacaabay Gobolka Bari oo Maalmahaan ay ka jireen Dhibaatooyin iyo Dagaalo ka dhashay Xil Kaqaadistii lagu sameeyay Agaasimihii Hay’adda PSF.

Deni ayaa Xilkan u magacaabay Cabdirisaaq Siciid Cali, waxaana lagu beddelay Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan oo ku biiray Golaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Gobolka Bari waxaa Xarun u ah Magaalada Boosaaso, wuxuuna Gobolkan kamid ahaa Goboladii Rasmiga ahaa ee Jamhuuriyadda Soomaaliya marki ay madaxbanaanaatay 1dii Luuliyo 1960kii.

Dhawaanahan ayaa waxaa Deni lagu dhaliilayay in uusan buuxin Xillalka ay baneeyeen Masuuliyiin katirsanaa Dowlad Goboleedka Puntland ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku biiray Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, kuwaa oo u badnaa Wasiirro katirsanaa Dowlad Goboleedka Puntland ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dadka dhaliilo Siyaasada Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxey sheegaan in Siciid Deni uu doonayo in uu Golaha Baarlamaanka Jamhuurhuuriyadda Soomaaliya uu geysto Xildhibaanno ku shaqeeya Aragtidiisa Xilli ay soo baxeyso inuu Murashax u yahay Jagada Madaxweynaha amhuuriyadda Soomaaliya oo lagu wado iney dhacdo Bisha Febraayo ee Guggan 2022da.

Isha Warkan: Hiiraan Online.