Danjiraha Cusub Ee Mareykanka U Magacaabay Soomaaliya Ayaa Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Washington

 

Dusa (Jimca), 14-01-2022

 

WASHINGTON – Safiirka Cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Larry Andre ayaa Xalay booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Washington, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Ku-xigeenka Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka, Jacfar Jaamac ayaa wuxuu Xafiiskiisa uu Danjiraha Mareykanka ee Dalka Soomaaliya uu ugu sameeyay Kulan Soodhaweyn ahaa.

Qoraal lagu daabacay Barta Safaaradda Soomaaliya ee Twitter-ka ayaa lagu yiri “Jacfar Jaamac oo ku hadlaya Magaca Safaaradda ayaa waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Larry Andre oo si diiran loogu soo dhaweeyay, si ay uga wada hadlaan Dhinacyada Danaha iyo Iskaashiga Labada Dhinac. Waxaan u rajeynaynaa Danjire Andre in uu si wanaagsan u guto Shaqadiisa, uuna xoojiyo Xiriirka.”

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa 15kii Bishii Abril ee Sanadkii hore waxa uu Larry Andre u magacaabay inuu noqdo Danjiraha Xigga ee Mareykanka u joogga Soomaaliya.

Bishii Desember, Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa Codka Kalsoonida siiyay Danjiraha Cusub, kadib markii Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalkaasi uu Goluhu horgeeyay Magacaabidiisa.

Larry oo 60 Jir ah ayaa isu diyaarinaya inuu Xilka kala wareego Danjiraha uu Muddo Xilleedkiisu Dhammaaday ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya, Donald Yamamoto.

Xigasho: Universal TV Somali