Dib Ayaa Loo Dhigay Bannaanbixii Maanta Dhici Lahaay

 

Fabeeley (Khamiis), 13-01-2022

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Banaanbixi Maanta lagu waday inuu ka dhaco Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho isla markaana ay Qaban-qaabiyayaashiisa ay Oggolaanshaha ka haaysteen Wasiirka Amniga Dowladda Xilgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa lagu soo waramayaa in dib loo dhigay kadib Kulamo Saacado badan qaatay oo la iskula oggolaaday in dib loo dhigo Bannaanbaxaasi.

“… Kulamo qaatay Saacado dheer oo dhex maray Guddiyada Qabanqaabada Bannaanbaxa, Madaxda Golaha Bulshada Gobolka Banaadir oo Dhinac ah, Odayaasha Dhaqanka Gobolka Banaadir iyo sidoo kale Midowga Musharaxiinta oo aan Xaruntooda kula kulanay, Codsi ka kala yimid Dhinacyadaas iyo Dood dheer kadib, waxaa la go’aamiyay in Bannaanbixiii Khamiista dib loo dhigo, Maalinta Axadda ahna Kulan Odayaasha Dhaqanka iyo Guddiyada Qabanqaabada Bannaanbaxa ay dib isugu soo laabtaan, si loo cayimo Maalin la isla ogyahay, la isla oggol yahay oo Bannaanbax uu dhaco,” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Maalintii Wableyda (Talaadada) ay aheyd markii uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho (Cumar Filish) uu go’aaminayay in Maalinta Fabeeleyda (Khamiista) ee 13da Janaayo, Gugga 2022da aanan la banaanbixi karin, uu-na uu ku wargelinayay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Amniga; waxaana Bulsho Weynta Gobolka Banaadir usii cadaatay in Cumar Filish uu diidanayaa in lagu banaanbaxo Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo horayna sida dhow ula soo shaqeeyay Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa ku xegtay in Maalintii Shalay ee Dabrada (Arbacada) uu Qarax ka dhaco Wadada aado Xaruntii Ciidanka Cirka ee Afisyoone (Aviazione) ee Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho, kadibna uu Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare uu Qiil uga dhigto Qaraxa; Sababaha uu Maamulka Gobolka Banaadir uu ku diidanaa Banaanbaxa la qaban-qaabiyay.

Ugu dambeysti, Banaanbixii waa la baajiyay, iyadoo kuwii diidanaane ay marmarsiiyo ka dhigteen Qaraxa dhacay.

Weydiinta waxey tahay: miyeyna hada cadeyn in Soomaaliya ay ka jirto Labo Nooc oo Argagixis ah (Argagixis Dowle ah iyo Argagixis aan Dowli aheyn: State Terrorism and Non-state Terrorism)?

Kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]), wixii War ah ee kusoo kordho Warkan.