UPDATE 1 – Faahfaahino La Xiriirto Magacyada Qaar Kamid Ah Dadkii Ku Naf Waayay Qaraxa

 

Dadbra (Arbaco), 12-01-2022

 

MUQDISHO – Dad lasoo xiriiray Warbaahinta Banaadir Weyne (The GBM: The Great Banadir Media) ayaa waxey sheegeen in Qaraxii Maanta ka dhacay Wadada aado Afisyoone ee Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho, in ay ku Naf waayeen Sagaal Qofood oo Lix kamid ah ay Qaraabo ahaayeen Halgame Macalin Nuur Maxaad Siyaad oo Qeyb Libaax ah ka qaatay Halgankii lagu tuuray Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre Taariikhda markey aheyd 26dii Janaayo, 1991dii.

Magacyada Lixda Qofood ayaa waxey yihiin kuwa soo socdo: 1) Cabdullaahi Axmed Yare, 2) Maxamed Caseyr, 3) Cabdi-Mahad Baariyow, 4) Adeer Abuukar Wardheere, 5) Cali Axmed Cali, iyo 6) Maxamuud Cali Saalax.

Lixda Qofood ee kor ku xusan, ayaa waxey u shaqeynayeen Haya’ad, sida lasoo sheegayo.

Ugu dambeysti, Qaraxa Maanta dhacay waxaa Masuuliyaddiisa sheegtay Al-Shabaab.

Kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]), wixii War ah ee kusoo kordho Warkan.