Qarax Is-Miidaamin Ah Ayaa Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

 

Dabra (Arbaco), 12-01-2022

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Waxaa dhacay Qarax Xoogan oo Jugtiisa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir, wuxuuna Qaraxaasi uu ka dhacay Wadada aada Dhinaca Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa wuxuu ahaa mid loo soo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey Waxyaabaha Qarxa, Gaarigane weli lama soo sheegin noociisa.

Qaraxa kadib, waxaa Cirka isku shareereen Uuro iyo Qaac Madow; kadibna waxaa si dhaqsi ah Goobta Qaraxa usoo gaaray Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya oo furay Rasaas Xoogan; kadibna xiray Aaga uu Qaraxa ka dhacay.

Warar hordhac oo la helayo ayaa sheegaya in Qaraxaasi uu geystay Qasaarooyin kala duwan, in kastoo aan weli si dhab ah loo soo sheegin inta uu Qasaaraha la egyahay.

Ugu dambeystii, Qaraxan Maanta dhacay ayaa wuxuu kusoo aadayaaa, iyadoo Maalintii Shalay (11-01-2022) uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho (Cumar Filish) uu ka dhawaajiyay in aanan Banaanbax lagu qaban Maagaalada Muqdisho kadib markii la qaban-qaabiyay Banaanbax dhacayo Maalinta Fabeeleyda (Khamiista) oo ku beegan Maalinta Berrito ah oo Bishan Janaayo tahay 13da, Guggana yahay 2022da isla markaana Banaanbaxaasi looga soo horjeedo Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo.

Weydiinta waxey tahay: maxaa mar wada kulmiyay Qaban-qaabada Banaanbaxa, Is-hortaaga Banaanbaxa ee Cumar Filish, iyo Qaraxa Maanta ee ka dhacay Magaalada Muqdisho?

Kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]), wixii War ah ee kusoo kordho Warkan.