Guddiga Qabanqaabinaya Banaanbaxa Maalinta Fabeeley (Khamiis), Ayaa Ka Horyimid Hadalkii Kasoo Yeeray Duqa Muqdisho

 

Wabley (Talaado), 11-01-2022

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Guddiga Qaban-qaabada Banaanbaxa la qorsheeyay ee Maalinta Fabeeleyda (Khamiista) ee Bishan Janaayo tahay 13da Janaayo ayaa waxey la hadleen Warbaahinta, iyagoo muujinayay sida ay uga soo horjeedaan Go’aanka uu Maanta gaaray Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee ahaay in marnaba aan la oggolaan karin in Banaanbax laga dhigo Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qaar kamid ahna Guddiga Qaban-qaabada Banaanbaxa, ayaa waxey iyagane sheegeen in Maalinta Fabeeleyda (Khamiista) ay dhigi doonaan Banaanbaxa, kol hadii uu Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu xaq u siinayo iney banaanbixi karaan; waxeyna Ciidanka Soomaaliya ay guud ahaantiisa ugu sii digeen in ay Is- hortaag ku sameeyaan Banaanbaxayaasha Maalinta Fabeeleyda (Khamiista) ee Bishan Janaayo tahay 13da.

“Ciidamadda waxa aan leenahay Farmaajo iyo Bannaanbaxayaasha waad u dhexeysaan,’ ayuu yiri Yuusuf Maxamed Mursal oo Xubin ka ah Guddiga Qaban-qaabada Banaanbaxa.

Cali Maxamed Maxamuud (Cali Joqonbe) oo isagane qeyb ka ah Golaha Bulshada Banaadir, ayaa wuxuu isna waxba kama jiraan ku tilmaamay Go’aanka kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir, maadaama uu Banaanbaxa yahay Xaq Dastuuri ah.

“Waxaa maqalnay in Maamulka Gobolka Banaadir uu yiri lama banaanbixi karo, Golaha Bulshada Banaadir waa Gole loogu talo-galay in lagu difaaco Codka, Xuquuqda iyo Dhamaan Adeegyada Bulshada ku nool Gobolka Banaadir. Qofka in uu si xor ah u hadlo oo si nabad ah ku banaanbaxo waa xaquuq aan u baahneyn fasax,” ayuu yiri Cali Maxamed Maxamuud (Cali Joqonbe) oo Qeyb ka ah Golaha Bulshada Banaadir .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Filish oo Maanta la hadlay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Madaxda Laamaha Amniga, ayaa wuxuu u sheegay in Magaalada Muqdisho aanan loo oggoleyn Banaanbax uusan la socon Maamulka Gobolka Banaadir.

Hadalkan kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Cumar Filish, ayaa wuxuu kusoo aaday Xili ay Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ay ka socdaan Qabanqaabada Banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Taageerayaashiisaba.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).