Taageero Uu Golaha Midowga Murashixiinta U Muujiyay War Murtiyeedkii Kasoo Baxay Golaha Wadatashiga Qaran

 

Hobala (Isniin), 10-01-2022

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa soo dhoweeyey War Murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadashiga Qaranka oo Muqdisho ka socday Muddadii Todobaad aheyd.

Golaha Midowga Murashixiinta ayaa Golaha Wadatashiga Qaran oo ka koobmay Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta, Madaxda 5ta Dowlad Goboleed iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ku amaanay Tixgelinta la siiyey Talooyinkii ay la wadaageen ee ku aadanaa Sixitaanka Habraaca Doorashooyinka, inkastoo uu Midowga Murashixiinta uu iska indho-tiray in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish uu ahaa Goobjooge oo aananba wax Cod ku laheyn Go’aanadii ay wada gaareen Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Rooble iyo Madaxda 5ta Dowlad Goboleed sida Deni, Axmed Madoobe, Lafta-gareen, Qoor-qoor, iyo Guud-laawe.

Golaha Midowga Murashixiinta ayaa sidoo kale Warka Cad ee Golaha Wadatashiga Qaran uga dalbaday inay is waafajiyaan Habraaca iyo Habdhaqanka Doorashada.

“Goluhu wuxuu adkaynayaa in Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada ay si buuxda Masuul uga yihiin Amniga Dalka, Madaxweynihii Horena uu ku ekaado Murashaxnimadiisa. Goluhu wuxuu soo dhowaynayaa Ballanqaadka Ra’iisul Wasaare Rooble ee ku aaddanaa Mas’uuliyadda Xukuumadda ee Amniga Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka Golaha Midowga Murashixiinta.

Ugu dambeystii, “Goluhu wuxuu ku boorrinayaa Raysal Wasaaraha in uu Xil iska saaro Dhaqangalka Habraacyada, Korjoogtaynta Daahfurnaanta Doorashada, Furitaanka Saaxadda Siyaasadda oo ay ugu horrayso Xorriyadda Muddaaharaadka, Kulammada, Ololaha, Safarka, iyo Warbaahinta Qaranka oo loo oggolaado Murashixiinta,” ayaa lagu yiri Qoraalka Golaha Midowga Murashixiinta.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).