Shir U Dhexeeyay Madaxweynehii Hore Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Iyo Danjirta Dalka Noorwee (Norway) Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Ayaa Qabsoomay

 

Hobala (Isniin), 10-01-2022

 

File – Somalia’s President Sharif Sheik Ahmed, seen, during a Ceremony at the Cankaya Presidential Palace in Ankara, Turkey, Friday, April 17, 2009. (AP Photo/Burhan Ozbilici)

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Guddoomiyaha Golaha Midowga Murashixiinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa Shir gaar ah la yeeshay Danjirta Dalka Boqortooyada Noorwee (Norway) ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Elin Bergithe Rognlie.

Shirka ay yeesheen Madaxweynehii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo Danjirta Dalka Boqortooyada Noorwee (Norway) Elin Bergithe Rognlie ee u joogto Soomaaliya, ayaa waxaa looga wad-hadlay Arrimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen Doorashooyinka Dalka Soomaaliya, iyo waxyaabihii u dambeeyay ee kusoo kordhay Arrimaha Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Midowga Murashixiinta ahna Madaxweynihi hore ee Dalka Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu sidoo kale uu Xalay la kulmay Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Maxamed Xuseyn Rooble iyo Wasiir Koowaadkii hore ee Dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Xasan Cali Kheyre, waxaana laga wad-hadlay Qodobadii kasoo baxay Shirkii usoo dhamaaday Golaha Wadatasahiga Qaran ee soo jiitamayay Muddada Todobaadka ah.

Lama ogo ilaa hada in Shirarka lagu soo Hadal qaaday Dhibka Dadka Gobolka Hiiraan ka haaysto waxa hada loogu yeero ‘Hir-Shabeelle’ maadaama uu Gobolka Hiiraan ahaay Gobolka keliya uusan kala qeybin Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre isla markaana uu sidiisa Xaq u leeyahay in uu noqdo Dowald Goboleed.

Sidoo kale waxaan la ogeyn in Shirarka lagu soo Hadal qaaday Dhibta haaysto Dadka Gobolkii Banaadir ee ka koobmay Shabeellaha Hoose, Muqdisho iyo Shabeellaha Dhexe oo hada lagu kala darsaday waxa hada loogu yeero ‘Koofur-Galbeed’ iyo ‘Hir-Shabeelle’.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).