Howlgallo Laga Sameynayo Gobolkii Jubada Hoose

 

Diimiley (Sabti) 08-01-2022

 

KISMAAYO (WBW: The GBM) – Waxaa lagu soo waramayaa in Gobolkii Jubada Hoose ee Xaruntiisa aheyd Magaalada Kismaayo Haatana Xarun u ah Dowlad Goboleedka Jubaland, in ay Ciidamada Amaanka ee Dowlad Goboleedka Jubaland ay Xalay Hawlgallo ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Kismaayo.

“Ciidamada Nabad Sugidda iyo Booliiska Jubaland ayaa Howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga ka wada Xaafadaha Magaalada Kismaayo, waxayna Baaritaan xooggan ku sameynayaan Guryaha iyo Gaadiidka Dadweynaha” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaaradda Amniga ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Ugu dambeynti Howlgaladan ay wadaan Ciidamada Amaanka ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa sii socon doono, waxaana looga hortagayaa Halista Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo waxkasta oo wax u dhimayo Nabadgelyada, waa sida lagu soo waramayee.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).