Saraakiil Lagu Tuhmayo Ku-luglahaanshaha Iskudaygii Afgambi Ee Dhicisoobay 27dii Disheembare Oo Loo Yeeray

 

Fabeeley (Khamiis), 06-01-2022

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa lagu soo waramayaa in Qoraal uu u diray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, wuxuuna Qoraalkiisa kula socdisiinayay in loo baahan yahay Shan Sarkaal oo lagu tuhmayo iney ku lug lahaayeen Dhacdadii 27dii Bishii Disheembare ee Guggii 2021da ee aheyd Iskudaygii Afgambi ee lala damacsanaa Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble.

Warka wuxuu ku darayaa in Saraakiisha loo yeeray isla markaana lagu tuhmayo Ku-luglahaanshaha Dhacdadii 27dii Bishii Disheembare in ay yihiin kuwa Magacyadooda ay hoos ku qoran yihiin;

1) Taliyaha Guutada 77aad, Gaashaanle Sare Xasan Aadan Dhicis
2) Abaanduulaha Guutada 77aad, Gaashaanle Shaafici Nuur Axmed
3) Taliyaha Ururuka 60aad ee Guutada 77aad, Gaashaanle Dhexe Cabdi Yaasin Cali Kooshin
4) Abaanduulaha Ururka 60aad, Gaashaanle Xasan Duwane Cumar
5) Taliyaha Koox Horinta Gurmadka Ururka 60aad, Labo Xidigle Muuse Maxamed Caddow (Shaarib).

Guddigii Baaritaanka ayaa waxey wadeen Xog Uruurin iyo Weydiimo la xiriiro Qaabkii ay wax u dhaceen iyo Cida soo agaasintay.

Ugu dambeysti. waxey Guddiga Baaritaanka ay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ay ku wargeliyeen in Shanta Sarkaal ee Magacyadooda kor ku xusan yihiin, in Maalinta Diimileyda ah (Sabtida) oo ay Bishan Janaayo tahay 8da (10ka Barqanimo) in ay yimaadaan Xafiiska Wasiiro Dowlaha si ay ula kulmaan Guddiga Baaritaanka.

Wixii War ah ee kusoo kordho Warkan, waxaa lagala socon karaa Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM: [The Great Banadir Media]).