Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran Ayaa Furmay

 

Hobala (Isniin), 03-01-2022

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee hada kahor uu dib u dhac ku yimid, ayaa lagu soo waramayaa in Maanta uu ka furmay Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa furay, sida lasoo sheegayo, Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Xuseyn Rooble; iyadoo ay Goobta Shirka ku sugnaayeen Madaxda 5ta Dowlad Goboleed ee laga sharciyeeyay Dalka Soomaaliya iyo Duqa Muqdisho oo la sheegayo inuu yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir asiise uusan sharciyesneynba maadaama Gobolkii Banaadir oo ka koobmay Shabeellaha Hoose, Muqdisho iyo Shabeellaha Dhexe lagu kala darsaday waxa hada lagu magacaabo Koofur+Galbeed iyo Hir+Shabeelle.

Ujeedada ugu weyn ee Shirka Maanta ka furmay Muqdisho, ayaa waxey tahay in lasii wado Doorashashada Dadban ee Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Waqtigeedi aano ku qabsoomin isla markaana ay Doorashada hada noqoto mid daahfuran maadaama laga qeyliyay sida loogu shubtay Bilowgii Doorashashada Dadban ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliyaa.

Wixii War ah ee kusoo kordho Warkan, waxaa lagala socon karaa Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM: [The Great Banadir Media]).