Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Ayaa Bilaabay Dadaalo Lagu Dhameynayo Xiisadda Ka Taagan Magaalada Belad Weyne

 

Hobala (Isniin), 03-01-2022

 

BELAD WEYNE (WBW: The GBM) – Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo kaashanayo Culumaa’udiinka Magaalada Belad Weyne ayaa lasoo sheegayaa iney wadaan Dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu dhameynayo Xiisad ka taagan Magaalada Belad Weyne, taasoo u dhexeyso Ciidamada Dowladda Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Ciidamada Badbaadada Gobolka Hiiraan ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Odoyaasha ayaa la sheegay in ay Labada Dhinacba ay kala hadleen in Xiisada ka jirto Magaalada Belad Weyne in la joojiyo, kadib markii ay dagaalameen Ciidamadii Dowladda Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Ciidamadii Badbaadada Gobolka Hiiraan ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo is-horfadhiyay.

Ugu dambeyntii waxey Odoyaasha Dhaqanka iyo Culumaa’udiinka Magaalada Belad Weyne ay Maanta Socod ku mareen Wadada Dheer ee Laamiga ah, waxeyna sidoo kale ay fureen Waddooyin ay xireen Dad careysnaa oo Banaabax ka dhigayay Qeybo kamid ah Magaalada Belad Weyne. Odayaasha iyo Culumaa’udiinka waxey Labada Dhinacba ay ku dardaarmay in wax walba lagu dhameeyo Wada-hadal.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).