Amar Ku Socdo Haya’dda NISA Ee Uu Soo Saaray Wasiirka Amniga DXJS

 

Diimiley (Sabti), 01-01-2022

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Wasiirka Amniga Dowladda Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa wuxuu Taliyaha Kumeel Gaarka ah ee Haya’dda Nabad Sugidda ee NISA (National Intelligence and Security Agency) Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) uu ku amray in Maanta wixii ka dambeeya aysan Ciidanka Nabad Sugidda ee NISA (National Intelligence and Security Agency) aysan ka howlgeli karin Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee Muqdisho, iyadoone Amniga Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee Muqdisho lagu wareejiyay Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Waxaa kale oo Taliyaha Kumeel Gaarka ah ee Haya’dda Nabad Sugidda ee NISA (National Intelligence and Security Agency) Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) la faray in uu Ciidanka Nabad Sugidda ee NISA uu kasoo saaro Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee Muqdisho isla markaana uu Amniga ku wareejiyo Ciidanka Booliiska Soomaaliy.

Mahaan hoose aa lagala socon karaa Qoraalka uu so saray Wasiirka Amniga Dowladda Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya abdullaahi Maxamed Nuur.

 

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).