Midowga Musharrixiinta Baa Dalbaday In Farmaajo Si Deg Deg Ah Uga Baxo Fila Soomaaliya (Villa Somalia)

 

Wabley (Talaado), 28-12-2021

 

MUQDISHO – Xubnaha Midowga Musharrixiinta ayaa sheegay inay cambaareeynayaan Iskudaygii Afgembi oo ay sheegeen inuu Farmaajo Shalay ku kacay, isla markaana uu ahaa Qayaano Qaran oo la doonayay in lagu dumiyo Hay’adaha Dastuuriga ah, laguna carqaladeeynayo Doorashooyinka.

Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa waxaa sidoo kale ay ku sheegeen in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isku deyay in uu Ciidan ku qabsado Hay’ado Madani ah oo Dastuuri ah, iyaga oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo, dacwadna lagu soo oogo Farmaajo iyo intii kale ee ku gacansiisay Afgambiga.

Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble oo si geesinimo leh uga horyimid Afgambiga, una muujiyay Shacabka Soomaaliya in Dalku Doorasho aado, Farmaajana dibadda ka istaago Hawlahaas.

”Goluhu wuxuu ka codsanayaa Golaha Wadatashiga Qaran in ay deg-deg u saxaan Tabashooyinka Habraacyada Doorshada oo ay Doorashada soo dedejiyaan, waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa Shacabka Soomaaliyeed in ay difaacaan Dastuurka, iyo Dawladnimada, garabna siyaan Ray’sal Wasaaraha, kana hortagaan isku day kasta oo lagu duminaayo Hay’adaha Dastuuriga ee Dalka” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Midowga Musharrixiinta.

Ugu dambeyn Golaha Midowga Musharrixiinta ayaa ka dalbaday Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu si Deg Deg ah u banneeyo Fila Soomaaliya (Villa Somalia), sida ugu dhaqsaha badan.

Isha Warkan: Radio Risaala