Shariif Shiikh Axmed Ayaa Ka Hadlay Isku-daygii Afgambi Ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

 

Hobala (Isniin), 27-12-2021

 

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa ka hadlay Xaaladda Cakiran ee Haatan Dalku marayo, waxaana uu sheegay in Go’aanadii uu qaatey Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inay halis ku yihiin jritaanka Dowladnimada iyo Xasiloonida Dalka.

Shariif ayaa intaa ku daraya in RW Maxamed Xuseyn Rooble loo igmaday, kaliya Dhammaystirka Doorashada Hogaaminteeda.

Murashax Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed ayaa sidoo kale Bulshada Soomaaliya ugu baaqay inaysan aqbalin in la majaxaabiyo Dowladnimada, Dalkane dib loogu celiyo Burbur iyo Dagaal Sokeeye.

Halkan hoose ayaa lagala socon karaa Qoraalka Shariif Shiikh Axmed.

Go’aanadii uu qaatey Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo waxay halis ku yihiin jiritaanka Dowladnimada iyo Xasiloonida Dalka.

Dalkaan xalkiisu wuxuu ku jiraa oo kaliya dhammaystirka doorashadii lagu heshiiyay, lana saxo wixii ka khaldan, taasoo loo igmaday hogaaminteeda RW Mohamed Hussein Rooble.

Talaabooyinka khaldan ee hareermarsan sharciga oo horseedi karo qalqal siyaasadeed, cidna looguma dulqaadan karo, waxaana ugu baaqeynaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday in uu dib uga joogsado faragelinta arrimaha Doorashada.

Bulshada Soomaaliyeed waa inaysan aqbalin in la majaxaabiyo dowladnimada, dalkana dib loogu celiyo burbur iyo dagaal sokeeye. Waxaana ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed in aynu meel ugasoo wada jeesanno badbaadada Dalka iyo Dowladnimada.

Isha Warkan: Wardoon News