Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Iyo Wakiilada Beesha Ayaa Yeeshay Kulan Ku Qabsoomay Aaladda Fogaan Aragga

 

Cadceeda (Aad), 26-12-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Xusyen Rooble iyo Wakiilada Beesha ayaa waxey Maanta yeesheen Kulan ku qabsoomay Aaladda Fogaan, waxaana Kulankka looga wada-hadlay Aragga maanta la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka kaas oo ay ka wada hadleen Xaalada Guud ee Dalka Soomaaliya, gaar ahaana Doorashooyinka Dalka iyo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho.

Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Xusyen Rooble ayaa wuxuu Wakiilada Beesha Caalamka uu u xaqiijiyay sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiskiisa, in Shirka furmi doono ay Diiradda ku saari doonaan Ilaalinta Hufnaanta Doorashada iyo Sixitaanka, Ku Dhaqanka Habraacyada Doorashada iyo Soo-saaridda Jadwal ay ku caddahay Waqtiga ay soo gebagaboobeyso Doorashada.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Dhankooda soo dhaweeyay isla markaana bogaadiayay Dadaalada Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya ee Maxamed Xusyen Rooble, ee ku aaddan sidii Doorashada Soomaaliya ee hada la wado ay u noqon lahayd mid Daah-furan.

Ugu dambeystii, waxaa ay Wakiilada Beesha Caalamka ay bogaadiyeen Dadaalka Waiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Xusyen Rooble ee ku aaddan Kulammada Wada-tashiga ah ee uu la yeelanayo Xubnaha ka socdo Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka ah, iyo Beesha Caalamka.