Jeneraal Xuud “Hadii Wanaaga Doorashada La Fiirin Waayo Waxaa Dhaceysa In La Isdilo Oo Uu Dhiig Daato”

 

Fabeeley (Khamiis) 23-12-2021

 

BELAD WEYNE – Shirjaraa’id oo ay si wadajir ah Gudaha Magaalada Belad Weyne ay ugu qabteen Hoggaanka Sare ee Golaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan ayaa waxay kaga soo horjeesteen Hadalkii dhawaan kasoo yeeray Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Dabageed ee ahaa in Doorashada Golaha Baarlamaanka ay ciday rabaan kusoo saari doonaan.

Madaxda Golaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan oo u horkacaayo Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa waxay sheegeen in Doorashada 25ka Kursi ah ee taala Magaalada Belad Weyne iney doonayaan iney noqoto mid ku dhacda Si Xor iyo Xalaal ah, islamarkaana aysan aqbali doonin in la carqaladeeyo Doorashada Kuraasta taala Magaalada Belad Weyne oo la boobo.

“Nidaamka iyo Sharciga Doorashooyinka ay Ummadda Soomaaliyeed ku heshiyeen waa in la raaca oo aanan lagu xad gudbin Nidaamka, hadii ay timaado in lagu xad gidbana waxaa imaaneysa inuu dhib dhaco, anaga Gole ahaan waxan horay u aqbalnay in Doorasho Xalaal ah ka dhacdo Belad Weyne, balse Haatan waxan aragna in la doonayo Boob, mana la boobi karo Doorashada wanageedana waa in uu ka yimada Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed, hadii wanageda la fiirin wayana waxa dhaceysa in la isdilo oo Dhiig daato,” ayuu yiri Jenaraal Abuukar Xuud.

Hadalkaan kasoo baxay Golaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan ayaa imaanaya Xilli dhawaan uu Magaalada Belad Weyne ka sheegay Madaxweyne Ku-xigeenka Hir-Shabeelle in Doorashada Kuraasta Belad Weyne taala ay kusoo saarayaan Cidii ay iyaga rabaan, taasoo abuurtay Walaac badan oo la xariira sida ay u qabsoomi karto Doorasho Xor iyo Xalaal ah.

Xigasho: Hiran Online News