Siyaasiga Cabdiraxman Cabdishakuur: Dowlad Goboleedyada Ayaa Qeyb Ka Ah Boobka Doorashada Golaha Shacabka

 

17-12-2021

 

MUQDISHO – Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kana mid ah Midowga Musharrixiinta ayaa ku eedeeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada inay qeyb ka yihiin Boobka lagu haayo Doorashooyinka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Siyaasiga oo Wareysi siiyay TV-ga Universal, ayaa wuxuu sheegay in Dowlad Goboleedyada iyo Dad kale ay diidan yihiin in la saxo Doorashada isla markaana ay ku andacoonayaan inay sidaan kusii socoto leyskana daayo, iyaga oo aaminsan in Farmaajo uusan markale Xukunka kusoo laabaneyn.

Waxaa wax laga weeydiiyay Dalabkii Midowga Musharrixiinta ee ahaa in Doorashada la joojiyo, iyo Go’aankii Dowlad Goboleedka Jubaland ee uu ku iclaamiyay Qabashada Doorashada 14 Kursi, wuxuuna ka yiri:

”Hadii Axmed Madoobe, anaga oo dalbanay Joojinta Doorashada uu soo fasaxay Doorashada 14 kursi, waxey u muuqataa in uu raali ka yahay Boobka Doorashada.”

Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u dalbaday in la joojiyo Doorashada Golaha Shacabka. Hase ahaatee, Dalabkooda waa leyska indha-tiray, waxaana loogu bedelay Shaacinta Degaano Doorashadooda lagu sheegayo Jubaland iyo Beelaha Banaadiriga.

Xigasho: Hiiraan Weyn News