Xisbiyada Somaliland Ayaa Xalay Kulan La Yeeshay Wafdi Maraykan Ah Oo Ku Sugan Hargaysa

 

16/12/2021

 

HARGAYSA – Waxaa habeennimadii xalay Magaalada Hargaysa, kulan ku yeeshay Hogaanka iyo qaar kamid ah Masuuliyiinta Saddexda Xisbi qaran ee Somaliland iyo wefti ballaadhan oo ka socday Congress-ka Mareykanka oo safar shaqo ku jooga Somaliland.

Masuuliyiinta Xisbiyada ayaa waxaa hogaaminayay, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan Iyo Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere.

Kulankaa waxaa lagaga wada hadlay sida uu sheegayXisbiga UCID, xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Labada Dal, Arrimaha Nabadgelyada ee Gobolka, Horumarinta Dimuquraaddiyadda, iyo Arrimaha Siyaasadda, iyagoo si gaar ah uga wada hadlay Arrimaha ka taagan Doorashooyinka Somaliland.

Isha Warkan: Hadh Wanaag News