Ergo Uu Horkacayo Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday Ee Farmaajo, Ayaa U Ambabaxday Dalka Turkiya

 

16-12-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Ergo uu hogaaminayay Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu soo waramayaa in Maanta ay ka dhoofeen Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ee Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoo kusii jeeday Dalka Turkiya oo ay kaga qeybagalayaan Shirka Iskaashiga Turkiya iyo Afrika oo Maalinta Berito ah ka furmi doono Magaalada Istanbuul ee Turkiya.

Shirkan Iskaashiga Turkiya iyo Afrika ee Maalinta Berito ah ee 17da Disheembare ka furmi doono Magaalada Istanbuul, ayaa wuxuu noqonayaa Shirkii 3aad oo ay isugu yimaadaan Dalka Turkiya iyo Dalalka Afrika, wuxuuna ku egyahay 18da Disheembare oo ah Maalinta Sabtida.

Ugu dambeyntii, Shirkan waxaa ka qeyb-geli doono Hogaamiyeyaal iyo Wasiiro Sare oo ka kala socdo 39 Dal, waxaana Hogaamiyeyaasha kusii jiro 13 Madaxweyne.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).